QARAX KA DHACAY MUQDISHO

QARAX KA DHACAY MUQDISHO

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska taallada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan oo ahaa mid ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay,hase yeeshee ma jiro tiro sax ah oo sheegeysa heerka uu gaarsiisan yahay.

Gaariga qarxay ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa NOHA, waxana uu si xowli ah uu kusoo maray Isgoyska dabka Ciidamada dowladana ay rasaaseeyeen, haseyeeshee ugu dambeyn waxa uu ku qarxay goob lagu baaro gaadiidka lagu ee isgoyska sayidka.

Dadka ugu badan ee waxyeeladu ka soo gaartay qaraxa ayaa waxa ay yihiin dad rayid ah oo qaarkood ay saarnaayeen mooto bajaaj.

Qaraxyada ayaa ka noqday magaalada Muqdisho kuwo caadi ah,iyadoo xalay qaraxii ugu dambeeyay ee ka dhaca agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, si gurmad loogu fidiyo dadka ku waxyeeloobay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com