Qarax khaasare gaystay oo kadhacay Shabeelada hoose

Qarax khaasare gaystay oo kadhacay Shabeelada hoose

Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyootay, laba kalena waa ay dhaawacmeen qarax kadhacay deegaan u dhow degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose.

Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa lasocday gaari xamuul ah oo waday calafka xoolaha ay quutaan uu kasoo qaaday magaalada Baraawe, waxaana la qaraxday miino dhulka lagu aasay.

Ciidamada AMISOM ayaa qaaday dadka dhaawacyada soo gaaray oo geeyey isbitaalkooda magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan dhulka geliya miinooyin ay doonayaan inay la beegsadaan ciidamada AMISOM iyo dowladda kuwaasi oo dadka shacabka ay wax yeello kasoo gaarto.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com