Qarax xooggan oo maanta ka dhacay deegaanka Timirshe oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee gobolka Bari

Qarax xooggan oo maanta ka dhacay deegaanka Timirshe oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee gobolka Bari

Qarax Xoogan oo ah Nooca Miinada Dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari ay lahayd hay’adda maxaliga ee lagu magacaabo Horn of Africa Integrated Development Activities (HIDA).

HIDA waa hay’ad maxalli oo aan dawli ahayn oo heshis heer goobeed ah kula jirta Barnaamijka Cuntada Aduunka (WFP), iskana kaashanayaan Sugnaanta cuntada iyo wax ka qabashada abaaraha kusoo noqnoqda dalka Somaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Degmooyinka Iskushuban iyo Banderbayla.

Gaariga Qaraxa lala beegsaday ayaa ahaa Toyota Surf oo ay leedahay Hay’adda Maxaliga ee HIDA.
Xiliga Gaariga Qaraxa lala beegsanayey ayaa waxa uu marayey deegaanka Timirshe ee Gobolka Bari Somaliya waxaana saarnaa Agaasimaha Ururka HIDA iyo Darawalka Gaariga wadey, waxayna ku hoolanaayeen howlo kormeer ah oo ay ku kormeerayeen mashriicda binu-aadanimo oo ay ka fulayaan deegaanadda hoostaga degmadda Iskushuban.

Waxaa Gaariga ku dhaawacmay derewalkii waday, waxaana alle ka badbaadiyey Agaasimaha Hay’adda Maxaliga ah ee Mohamud Ali Nur oo saarnaa gaariga. Ujeedka qaraxa ayaa ahaa in la dilo Mohamud Ali Nur oo dhawr jeer oo hore loo hanjabay.

Taliska Booliska ee Gobolka Bari mar aan la xiriirney waxay inoo xaqiijiyeen inay jirto dhacdadaas isla markaasna ay ka danbeeyaan kooxo argagaxiso.

Waxaa la rumeysan yahay in qaraxa ay ka dambeeyeen kooxaha Argagixisada oo ku xoogan gobolka Bari, gaar ahaan kooxaha AS iyo ISIS.

Inta badan xarumaha ganacsiga, NGO-yada iyo hay’adaha Samafalka waxaa laga qaadaa lacago baad ah, cidii diidana waa ay dilaan kooxaha Argagixida.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com