Qaraxii Xerada Jaalle Siyaad wuxuu ahaa shirqool lala beegtay beesha Biyamaal

Shaacir Nuur Cali oo qaraxii Xerada Jaalle Siyaad ku tilmaamay shirqool beel lala beegtay: “Ciidanka lagu shirqoolay Xerada Jaalle Siyaad dhimashadooda waxay maraysa 50, waxaana falkaas ka dambeeyey saraakiil ciidan oo sahlay in goobtaas lagu diyaariyo qof miino lagu soo xiray.”