Duqeyntii diyaaradaha Mareykanka kabacdi, Ciidamada Difaaca #Puntland ayaa gudaha u galay qaxabihii lagu dumiyey argagixisada waxaana halkaas laga helay 32 baasaboor oo ajnabi oo kala ah Jarmalka, Argentina, Sacuudi Carabiya, Lebanon, Tanzania, Morocco, Kenya, Koonfur Afrika, Baxrayn, iyo Tunisia. 12 ka mid ah 32da Baasaboor ayaa ah baasabooro Tanzanian ah, ayna ku jiraan baasaboorada carruurtooda oo ay u soo rarteen buuraha #Calmiskaad.
Soomaaliya maxaa lala damacsanyahay baad isleedahay? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media
COMMENTS