Ingiriiska waxaa soo foodsaaray welwel iyo walaac xoog leh oo ugu imaanaya gobolka Kursk oo awal Ingiriisku ka qabay rajo weyn in Ukraine sii haysato si Ruushka loola gorgortamo. Ingiriiska iyo badi Yurub ayaa gobolka Kursk u raray waxay hub iyo saanad hayeen iyo waliba ciidamadii ugu tababar fiicnaa Ukraine wixii ka haray.
Saadashu ma noqon sidii Ingiriisku rabay oo hadda waxaa O ku jira ciidamo lagu qiyaasay tobonnaan kun, waxaa la dilay sida joornaalada Ingiriisku qorayaan in ka badan 70,000. Hubka iyo saanadda laga qabsaday warkooda daa. Maxaabiistu waa tiro beel. Heer waxay gaareen in Trump ka baryo Putin in uu badbaadiyo kumannaanka kun ee askarta Ukraine ee lagu hareeraysan yahay.
Ingiriiska oo awal dhaqaale xumo la tacaalayey hadda waxaa ugu darsantay awood la’aan iyo saaxiib la’aan, oo Mareykanka oo Ingiriisku awal u yeerin jiray hadda maamul cusub oo aan wax ixtiraan ah u hayn baa la wareegay.
Taariikhdu waxay qoraysaa mar kasta oo dhaqaalaha Yurub liito, waxa ku xigaa waa dagaal iyo dalal horleh oo la gumeysto si khayraadkooda loo maamusho. Qarniyo kahor Ingiriiska oo xaalkiisu uu yahay sida maanta oo kale waxa uu kala qaybiyey Soomaaliya, haddaba ma suurtagal baa in uu haddana mar kale sii kala qaybiyo Soomaaliya, hoggaanka iyo nindoorka Soomaaliyeed se ma ku baraarugsanyahah taariikhda gumeystaha Ingiriiska?
> Daljir Media
COMMENTS