QM oo ka hadashay ku lug lahaanshaha ciidamo Soomaali ah dagaalada Tigray

QM oo ka hadashay ku lug lahaanshaha ciidamo Soomaali ah dagaalada Tigray

Warbixinta Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka ayaa looga hadlay wararka sheegaya ku lug lahaanshaha Ciidamada Eritrea dagaalka Tigray iyo in Ciidamo Soomaali lagu arkay Gobolka Tigray.

Warbixinta oo ka koobneyd illaa 17 bog ayaa lagu sheegay in Ergeyga gaarka uu helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida in laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee dagaalka Tigreega, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen Xadka Itoobiya

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in dagaalyahanno Soomaali ah ay joogeen agagaarka magaalada la yiraahdo Aksum ee Gobolka Tigray.

Qoraalka uu soo saaray ergeyga qaramada midoobay ayaa ereyadii ku qornaa waxaa ka mid ah;

“Marka laga soo tago wararka sheegaya ku lug lahaanshaha ciidamada Eriteriya dagaalka Tigreega, wakiilka gaarka ah wuxuu sidoo kale helay macluumaad iyo warbixino sheegaya in askarta Soomaalida laga raray xeryihii tababarka militariga ee Eritrea lana geeyay jiida hore ee Tigreega, halkaas oo ay ku wehlinayeen ciidamada Eritrea markii ay ka gudbayeen Ethiopia soohdinta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com