Ku xigeenka xogayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Mohamed oo shalay timid Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaadatay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, & Xubnaha Golaha wadatashiga Qaran ee Maamul Goboleedyada.
War qoraal ah oo ay ka soo saartay kulankii ay la qaadatay Rooble iyo madaxda wadatashiga qaran ayay ku sheegtay in masuuliyiinta ay u muujiyeen hogaamin wanaagsan iyo iney ka go’antay sidii loo hormarin lahaa doorka haweenka Soomaaliyeed ee siyaasada ku jira iyo dhimista lacagta laga qaadayo haweenka Musharaxiinta ka midka ah.
“Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxda golaha wadatashiga qaranka waxay muujiyeen hogaamin weyn iyo ka go’anaasho si loo hormariyo ka qaybgalka haweenka ee Siyaasadda oo ay kujiraan talaabooyin gaar ah sida dhimista lacagta laga qaadayo musharaxiinta haweenka ah, iyo magacaabista xubno u doodaya in wax weyn lagu daro arrintaasi waxaa kaloo muhiim ah in leysku raaco hab gaar ah oo lagu gaari karo qoonada 30% doorashada soo socota” ayay tiri ku xigeenka xogayaha guud ee QM Amina Jane
Waxay sido kale ka hadashay Amina Jane arrinta Ikraan Tahliil oo sheegtay in muhiim ay tahay in Ikraan hesho Cadaalad si looga hortago wax kasta oo xadgudub ku ah xaquuqda haweenka oo dhan.
“Waxaan ku kalsoonahay hoggaanka Soomaaliya inay dejiyaan xiisad kasta ayna ka fogaadaan talaabo horseedi karta rabshado oo dib u dhac ku keeni karta doorashada ama wiiqi karta kalsoonideeda”ayay tiri Amina Jane Mohamed ku xigeenka xogayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Safarka Muqdisho ay ku timid ku xigeenka xogayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa imaanaya xili khilaaf aad u xoogan uu ka dhaxeeyo madaxda ugu sareysa dalka Farmaajo iyo Rooble.
COMMENTS