Degmada Tuli Guuleed ee Gobolka Faafan ayaa labadii sannadood ee u dambaysay waxa ay ku sugnayd xaalado dagaal iyo weeraro joogto ah oo maleeshiyaadka Oromadu ku hayaan deegaanka Tuli Guuleed iyo badanaa deegaanada Soomaalida.
Colaadahaas waxaa ku agoomoobay carruur tiraduudu kor u dhaaftay laba kun.
Si loo maareeyo nolol-maalmeedka agoonta Tuli Guuleed ayaa odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada ka soojeeda degmada Tuli Guuleed ee ku kala sugan Puntland iyo daafaha dunida waxa ay iska kaashanayaan qorshe carruurtaas loogu helo xuquldaruurigooda, siiba waqtiga Ramadaanka.
Caruurtan agoonta ayaa ku kala sugan tuulooyin hoostaga Tuli Guuleed oo ay kamidyihiin Gabogabo iyo Hoosaale.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
Jigjiga
COMMENTS
Runtii waa arin aan aad u bogadinayo Arintaso kalena
Waaa mid mudan mar walba inaa
La garb istago agoontas
Iyo waxa yabaha kale ee jira
Han la wado aan leyahay manta han ogan inaan dadken iyo dalkenaba inaga uun umaqanahay wn mahadsantahiin sida quruxta badan ee aad calamka ula wadagaysan