Haddaad maalmahaan la socotay wararka Moscow iyo Beijing iyo dhaqdhaqaaqa xoogga ee ciidan ee Shiinuhu ka wado Taiwan waa suurtagal in aad isweydiinayso “Saca naasa adag iyo weedha maxaa kulmiyey!” Haddaan si kale u dhigno, su’aashu falaanqeeye kastaa maanta isweydiinayo waxay tahay, “Maxaa keenay in markii Mareykanku bilaabay u diyaargarow dagaal culus oo ka dhan ah Iran in Shiinuhu asna isla maalinkii xigayba bilaabo in ciidan kii ugu xoog badnaa uu ku hareereeyo Taiwan?”
Si akhristaha Daljir u fahmo waxa maanta socda, horena aan maqaaladeenii hore ugu bayaaminay, aan mar kale ka biloowno dagaalka Ukraine. Dagaalka Ukraine iyo Ruushka waxan hore akhristaha Daljir ugu bayaaminay in dagaalka Ukraine uu magac ahaan u yahay Ukraine, laakiin xaqiiqiyan uu yahay dagaal u dhexeeya NATO iyo Ruushka, siiba Mareykanka iyo Ruushka. Sidaasna waxaa mar kale lagu bayaamiyey maqaalkii dheeraa ee The New York Time ee maalmo kahor (faahfaahin maqaalka halkan riix: https://www.wsws.org/en/articles/2025/04/01/urxz-a01.html).
Qorshaha dagaalka Ukraine ayaa lagu macneeyey in uu yahay mid lala damacsanaa in Ruushka la jarjaro oo dhowr dal laga dhigo, markii Ruushka laga soo jeestana loo soo jeesto Shiinaha. NATO qorshahaas waa ku jabtay, Shiinaha iyo Ruushka oo qorshaha fahmayna waxay ay abuureen iskaashi cusub oo ah abidan iskaashi labada dal ka dhaxeeyey kii ugu xooganaa. Waxaa kale oo labada dal sii xoojiyeen ururka BRICS ee loogu talagalay in uu dhaqaale ahaan u babacdhigo reer Galbeedka. Halkaas kuma ay joojin e sannadkii tagay Iran waxaa lagu soo daray ururka BRICS oo aasaasayaashiisu yihiin Brazil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koonfur Afrika. Marka laga reebo Qaramada Midoobay, maanta BRICS waa ururka ugu weyn adduunka, dhan kasta.
Mareykanka oo u taagla’ Ruushka waxa uu hadda door biday in uu dhanka Shiinaha isku dayo in uu wiiqo oo Iran ku duulo. Haddaba waa maxay sababtu? Iran in ka badan 80% shidaalkeeda waxaa qaata Shiinaha, waana cudud dhanka sawaariikhda iyo darooniska Ruushka aad u taageera. Iran waa dalka kaliya ee Muslinka ah ee hortaagan qorshaha Mareykanka iyo Is^raa’iil ee Bariga Dhexe, waana albaabka laga soo galo Bartamaha Aasiya. Haddii Iran la wiiqo ama dawladeeda la dumiyo waxaa isku mar la wiiqay Ruushka iyo Shiinaha, waxaana hal mar la qabsanayaa Bartamaha Aasiya oo dhan.
Shiinaha iyo Ruushka oo intaas fahamsan marnaba qaylodhaan iyo Qaramada Midoobay iyo Iran yaa lagu duulin lagama maqal ee isla markiiba Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa Moscow ka degay, maalinkii xigayna waxaa biloowday in Ciidamada Shiinuhu isku gadaamaan jasiiradda Taiwan, oo markii ugu horraysay dhan kasta ka hareereeyaan.
Haddaba waa maxay aamusnaanta Shiinaha iyo Ruushka ee arrinka Iran, waa se maxay qorshaha milateri ee Shiinuhu? Sida ay Daljir ilo xogogaal iyo wargaysyada Ruushka ka helaysaba, qorshuhu waa diyaargarow dagaal oo ka dhan ah Mareykanka. Dhanka Taiwan asna waxaa lagu macneeyey hanjabaad toos ah oo ku socota Mareykanka ahna, haddii aad Iran weerarto, annagana naga filo in aan Taiwan la wareegno.
Mareykanka oo maraakiibtii iyo diyaaradihiisii dagaalka ka soo wareejiyey aagga Pacifiga, una soo wareejiyey dhanka Yemen iyo Diego Garcia waxaa ku baryey waa cusub. Kaagaba daran e, markabkii uu isku hallaynayey in uu Yemen dhulka dhigo ee USS Truman waaba u soo dhawaan waayey Yaman oo hadda wuxuu u jiraa in ka badan 1,300 Mayl. Taasina waxay sababtay sida lagu baahiyey jaraa’idka milatariga ee 19FortyFive (https://www.19fortyfive.com/2025/03/the-houthis-are-on-a-mission-to-attack-u-s-navy-aircraft-carriers/) in markabkii labaad USS Vinson hadda loo soo weeciyo dhanka Yemen. Taas macnaheedu waxaa weeye dhankii Shiinuhu waa haawanayaa, haddii Shiinuhu damco Taiwana wax horistaagi karaa iska yar.
Maanta Mareykanka iyo Trump waxaa haysata laba kala daran mid dooro ama sida Soomaalidu tiraahdo, “Haddaan hadlana waa af sallax ku dheg; haddaan aamusana ariga laynta laga dayn maayo!”
Dhan kasta Mareykanka waxaa ka soo foodsaaray culays daran, dhankii dhaqaaluhuna uma fayooba oo shalaydaan Trump waxa uu bilaabay in uu canshuur dheeraad ah ama tariifooyin cusub oo aan hore loo arag dal walba dul saaro. Hantaataca Trumpina la fili mayo in uu xal keeno aan ka ahayn “af sallax ku dheg” iyo cadaawad horleh oo loo qaado.
Intaas oo siyaasadood oo kala daran oo adduunka maanta ka taagan, Soomaaliyana waxaa saaran culayso daran oo jahooyin kala daran uga imaanaya, haba ugu darnaadeen kuwa uga imaanaya Imaaraadka iyo Israa’iil oo iska dhigaya dawlado fulinaya qorshaha Mareykanka. Mid kale oo xasuusin mudan ayaa ayana ah in Berbera iyo Sanca isku jiraan 408 KM, meesha Bossaso iyo Sanca isku jiraan 623 KM. Saas oo ay tahay Mareykanku wuxuu saldhig ciidan oo weyn ku leeyahay Jabuuti, kamana duqeyn karo Yemen masaafo ka yar 1,300 M. Wixii kale oo intaas dhaafsiisan waa hadaltiro iyo aqoon la’aan qorshaha fog ee Soomaaliya laga leeyahay, iyo dagaalka khayraadka ee maanta ka socda daafaha dunida, Soomaaliyana safka hore kaga jirto dalalka loo tashaday.
> Daljir Media
COMMENTS