Qorshihii RW Keir Starmer ee Ukraine oo Saraakiisha Ingiriisku ku Sheegeen “Maaweelo Siyaasadeed”

Qorshihii RW Keir Starmer ee Ukraine oo Saraakiisha Ingiriisku ku Sheegeen “Maaweelo Siyaasadeed”

Qorshihii RW Ingiriiska ee asaga iyo Macron ay ku goodiyeen ee ahaa in ay ciidamo nabad-illaalin u dirayaan Ukraine si loo joojiyo Ruushka ayaa saraakiisha ciidamada Ingiriiska oo si hoose ula hadlay warbaahinta ku macneeyeen “Maaweelo siyaasadeed (Political theater)” ayaga oo uga dan leh in Ingiriisku uusan hayn ciidan iyo hub toona uu kula dagaalami karo Ruushka.

Shalay ayey saraakiisha ciidamada Ingiriiska iyo Faransiisku ku kulmeen Whitehall, si hoosena uga sheegeen warbaahinta in aysan hayn taag iyo tabar ay Ruush kula dagaalamaan. Saas oo ay tahay labada dalba waxaa ka go’an in ay Ukraine xaabada ku shitaan illaa iyo kan ugu danbeeya oo hadda da’da askarta hoos loo sii dhigay, dadkana rag iyo dukar, yar iyo weyn jidadka laga qafaalanayo.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com