QORSHIHII SOO NOQOSHADA SOMALI AIRLINES OO MUGDI GALAY

QORSHIHII SOO NOQOSHADA SOMALI AIRLINES OO MUGDI GALAY

Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo Wasiirka Gaadiidka ka dalbaday faahfaahinta heshiis lala galay ‘Lema Airlines’ oo lagu sheegay shirkad aan raad iyo maal toona lahayn oo kaliya magac-u-yaal ah.

Dalabka xildhibaanka ayaa sida hoose u qornaa:

Ujeeddo: Dalab Degdeg ah oo Ku Saabsan Shaacinta Faahfaahinta Heshiiska Diyaarado ee lala galay “Lema Air Group”

Wasiir Sharaf leh,

Waxaan qoraalkan ku soo gudbinayaa anigoo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si rasmi ahna ku dalbanaya in si degdeg ah loo shaaciyo dhammaan faahfaahinta la xiriirta heshiiskii madmadowga lahaa ee diyaaradaha lagu keenay oo dhawaan lagu dhawaaqay in lala galay shirkad aan si cad loo aqoon oo la yiraahdo “Lema Air Group.”

Anigoo xil ummadeed u haya la xisaabtanka hay’adaha dowladda, waxaan si buuxda uga xumahay in heshiis noocan ah oo khatar iyo kharash badan ku fadhiyo loo fuliyo si qarsoodi ah – iyadoo aan la marin hannaan hufan, tartan furan, iyo sharciyada maaliyadeed, qandaraasyada, iyo Dastuuriga ee dalka waafaqsan.

Haddaba, waxaa lagaa codsanayaa in aad si rasmi ah u soo gudbiso dhammaan dukumeentiyada iyo macluumaadka hoos ku xusan – Faylka qandaraaska oo dhameystiran iyo heshiiska rasmi ah ee lala galay “Lema Air Group,” oo ay ku jiraan dhammaan waraaqaha is-afgaradka, oggolaanshaha wasiirnimo, iyo qoraallada isdhaafsiga, Kharashka guud ee lagu helay diyaaradaha – ha ahaato ijaar, iibsasho ama heshiis lahaansho wareeg ah – muddada heshiiska, lacagta billaha ah ee la bixinayo, iyo haddii ay jiraan ribo ama ganaaxyo, Caddeyn lacag bixinta: Yaa maalgeliyey? Xagee laga bixiyey lacagta? Ma ku lug lahaa deeq bixiye ama dowlad saddexaad? Warbixinnada qiimeynta diyaaradaha ee rasmi ah si loo xaqiijiyo qiimaha la bixiyey, Xogta farsamada ee diyaaradaha: nooca, sanadka la sameeyey, qiimaha suuqeed ee hadda, tirada rakaabka qaadi karo, qaabka xamuulka, iyo taariikhda lahaanshaha, Xogta shirkadda “Lema Air Group”: wadanka laga diiwaangeliyey, caddeynta diiwaangelinta, qaab-dhismeedka lahaanshaha iyo milkiilayaasha dhabta ah, xisaabaadka maaliyadeed ee la xisaabiyey, website-ka rasmiga ah ama xafiisyo lala xiriiri karo, iyo liiska hantida duulista (diyaarado ay leeyihiin ama ijaareen).

Sidoo kale waxaa la codsanayaa – Caddeyn in la sameeyey tartan furan: Imisa shirkadood baa tartamay? Goormaa la shaaciyey qandaraaska? Halkee lagu daabacay? Maxaa lagu doortay “Lema Air Group?” Warbixin ku saabsan caymiska diyaaradaha: shirkadda caymiska, cidda bixisa kharashka, Diiwaangelinta diyaaradaha: dalka lagu diiwaangeliyey ama haddii ay ku meel gaar yihiin, Cidda qaadaysa mas’uuliyadda hawlgalka: shidaalka, dayactirka, shaqaalaha, lacagaha garoomada, iyo rukhsadaha, iyo Sharaxaad ku saabsan sida loogu sameeyey miisaaniyadda: laguma darin miisaaniyadda qaranka ee 2025 ee ay ansixiyeen Golaha Shacabka wax kharash ah oo ku saabsan iibsashada ama kireysiga diyaarado. Yaa oggolaaday kharashkan? Maxay tahay saldhigga sharciga?

Doodaha Xasaasiga ah – Lama hayo shirkad magaceedu yahay “Lema Air Group” oo ku qoran keydadka ganacsi ama diyaaradeed ee caalamka – taasoo keeni karta cabsi ku saabsan sax ahaanshaha iyo sharcinimada heshiiska, Ma jiro website dadweyne ama xog ganacsi oo shirkaddan laga helo, taasoo u muuqata in laga yaabo in dowladda Soomaaliya ay gashay heshiis lala galay shirkad been abuur ah ama mid waraaqo uun ku dhisan – taasoo khatar weyn ku ah madaxbannaanida qaranka iyo hantida shacabka, Lama shaacin in heshiisku yahay ijaar ama iib; haddii uu yahay ijaar, waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ku xiran tahay waajibaad maaliyadeed muddo dheer ah iyada oo aan la horkeenin golaha shacabka – arrin si toos ah ugu xadgudbeysa dastuurka, iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan in hantidooda lagu siiyey laba diyaaradood oo Airbus A320 ah, kuwaasoo aan la ogeyn da’dooda, xaaladdooda, iyo suurtagalnimada in si ammaan ah loo adeegsan karo.

Arrintani kama saabsana duulista hawada oo keliya – waa arrin la xiriirta kalsoonida shacabka, sharafta qaranka, iyo mas’uuliyadda sharciga ah.

Sidaa darteed, waxaan filayaa in wasaaraddaada ay si buuxda u soo gudbiso dhammaan dukumeentiyada iyo jawaabaha sare ku xusan muddo toban (10) maalmood shaqo gudahood ah laga bilaabo marka aad heshid warqaddan.

Haddii aadan ka soo jawaabin, waxaa khasab igu noqon doonta in aan gudbiyo su’aal rasmi ah oo baarlamaani ah isla markaana aan u gudbiyo arrintan la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo hay’adaha maaliyadeed sida IMF, Bangiga Adduunka, iyo hay’adaha caalamiga ah ee kormeera duulista rayidka.

Si xushmad leh,

WQ: Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com