R/wasaare Khayrre: ”Waxaan xoogga saareynaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka”(dhegayso)

R/wasaare Khayrre: ”Waxaan xoogga saareynaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka”(dhegayso)

Munaasabada ballaaran oo lagu soo geba gebeynayay xuska sand guuradii 74-aad ee aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeybgalen mas’uuliyiin kaladuwasn.

Waxaa kamid ahaa madaxdii ka qeybgashey Raiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre xubno ka tirsan golayaasha kaladuwan ee Dowladda,saraakiil katirsan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Dhamaan madaxdii ka qeybgashey munaasabadaasi ayaa ku ammaanay ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxqabadkooda iyo dowrka ay ku leeyihiin horumarka bulshada iyo sugidda amniga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahmiyadda ay dalka u leeyihiin ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo marxaladihii ay soo mareen.

Wuxuu raiisul wasaaraha uga Mahad Celiyay Saraakiisha Ciidamada Booliska sida ay ugu dhabar adeegayaal in dalka ammaankiisa la sugo,isagoo intaasi ku daray in dowladdu ay xooga saari doonto dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada oo la filayo in ay amniga dalka kala wareegaan Amisom.

Ugu dambeyntii Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu Gacan ka geysan doono wax u qabashada aagoontii Aabeyaashood ay ku dhinteen Qaraxii 14-kii Bishaan ka dhacay Xarunta Tababarada Ciidamada Booliska Ee Gen Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ah ciidankii ugu horeeyey oo uu dalku yeesho ayaa la aas aasey sanadka markuu ahaa 1943-dii,waxaana ay soo mareen xeerar iyo marxalado kaladuwan,waana laf dhabarta u adeegista bulshada.

Hoos kadhegayso khudbada RW khayre

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com