Raashiya iyo Ukraine oo maanta is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal

Raashiya iyo Ukraine oo maanta is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka shaqeysay inay Dowladaha Raashiya iyo Ukraine is-weydaarsadaan Maxaabiistaasi oo Wadartooda Guud dhan tahay 150 Askari.

Wasaaradda difaaca Raashiya waxay xaqiijisay inay Ukraine isweydaarsadeen min 75 Maxaabiis Dagaal, kadib, Dhexdhexaadin ay Imaaraadka Carabta garwadeen ka ahaayeen.

Maxaabiista Raashiyaanka waxaa loo soo duuliyey Caasimada dalkaasi ee Moscow, si loo siiyo Daaweyn iyo Taageero dhanka Cilmi Nafsiga iyo Dhaqan-Celinta.

Dowladda Raashiya waxay bogaadisay Taageerada Dhexdhexaadinta Aadmino ee suurto-gelisay inay Raashiya iyo Ukraine maanta Is-dhaafsadaan Maxaabiistaasi.

Dhanka kale, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky waxa uu xaqiijiyey Is-weydaarsigaasi, isagoo ku baaqay in la sii wado dadaalka, si loo soo celin lahaa Ciiddanka Ukraine ee Maxaabiista u ah Raashiyaanka.

Qoraal uu soo dhigay Barta Telegram ayuu ku sheegay inay Natiijo muhiim tahay inay 75 kale oo dadkiisa Ukrainian ah ku soo laabtaan dalkooda Hooyo, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Maxaabiista maanta la soo daayey ay isugu jiraan kuwo ka kala tirsan Ciiddanka Qalabka Sida, Ilaalada Qaranka Ilaalada Xuduudaha iyo 4 qof oo Rayid ah.

Madaxweynaha Ukraine waxa uu u mahad celiyey Kooxihii ka shaqeeyey Is-dhaafsiga Maxaabiista Milliteriga.
Si kastaba, Tallaabada ay Raashiya iyo Ukraine maanta Isku dhaafsadeen Maxaabiista ayaa waxay
noqonaysaa tii 52-aad ee ay isweydaarsadaan tan iyo markii ay Milliteriga Raashiya duullaanka ku qaadeen dalkaasi bishii February ee sanadkii 2022-kii.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com