Rag ku Eedeysan in ay dad shacab ah dhac u geysteen oo lagu qabtay degmada Wanlaweyn

Rag ku Eedeysan in ay dad shacab ah dhac u geysteen oo lagu qabtay degmada Wanlaweyn

Howlgal Wadajir oo iska kaashadeen dadka degaanka iyo Taliska ciidanka Booliska degmada Wanla-weyn waxa ay gacan ku soo dhigeen labo kamid Rag lagu Eedeeyay dhac ay u geysteen dad shacab ah.

Raggaan la soo qabtay ayaa ku Eedeysan in ay dheceen ku dhawaad 70 Taleefoon gacanta Waxaana la geeyay oo lagu xiray saldhiga booliska degmada Wanla-weyn ee gobolka shabeelada Hoose.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska degmada Wanlaweyna ayaa lagu yiri:.

“Eedeysane Maxamed Macalin Cabdullahi Ina hooyo Aamina Cabullahi Macalin 22 jir ku dhashey Aw cusmaan degan yahay degaanka Aw cusmaan Waxay soo Xadeen 70 taleefoon asiga iyo ninkan la yiraahdo eedeysanaha kale Aadan Muktaar C/raxman Ina hooyo Aamina Cusman Guudle 24 jir ku dhashey Walaweyn oo uu degan yahay xafada Baaran”

Ammaanla degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose ayaa aad u soo hagaagay tan markii degmadaas uu ka bilowday Hawlgalada la dagaalanka burcad dadka telefoonada gacanta ka dhacda & kooxaha Isbaarada u dhigtay Gaadiidka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com