Rag ku labisnaa dirayska ciidamada oo Garoowe ku dilay wiil Arday ah

Rag ku labisnaa dirayska ciidamada oo Garoowe ku dilay wiil Arday ah

Yaxye C/risaaq oo ahaa wiil arday ah , kuna noolaa magaalada Garoowe ayaa xalay rag ku hubaysnaa dirayska ciidamada dowladda waxa ay ku dileen bartamaha suuqa .

Ardaygan ayaa wax ka dhigan jiray  Jaamacada Bosaaso faraceeda  Garoowe , lamana oga sababta dilkiisa ka dambaysay.

Wararka ay helayso idaacada Dajir ayaa sheegaya in ragii dilka gaystay ciidamada amniga ay gacanta ku  soo dhigeen  labo kamid ah .

 

Amniga magaalada Garoowe ayaa maalmahan aad loo adkeeyay , maadaama caasimada ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha, iyo mida baarlamaanka .

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com