Ra’iisul Wasaaraha Xamse oo maanta hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS.

Ra’iisul Wasaaraha Xamse oo maanta hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta hortagaya Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka oo uu codka kalsoonida ka helay 25kii June 2022 oo maanta laga joogo muddo bil ah.

Barre ayaa Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda u gudbiyay codsi ah in uu hortago Xildhibaannada oo ugu dambeyn laga aqbalay waxaana maanta la ballamiyay Mudanayaasha Aqalka Shacabka.

Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre ayaa Golaha weydiisanaya in uu siiyo 10 cisho ee dheeraad ah si uu usoo magacaabo Golahiisa Wasiirada oo wada tashiyo ay uga dhiman yihiin.

Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo uu kala hadlay sidii ay uga aqbali lahaayeen codsigiisa ah in muddo loogu waqtiga uu kusoo magacaabo xukuumadiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa 25kii June 2022 Golaha uu maanta hortagayo ka hor ballanqaaday in uu soo magacaabayo Xukuumad la jaanqaadi karta xaaladaha kala duwan ee dalka isla markaana wax ka qabaneysa Amniga, dhaqaalaha, dib u heshiisiinta, Abaarta, Dastuurka & xoojinta xiriirka caalamiga ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com