Ra’iisul Wasaare Khayre: “Dhamaystirka dhismaha Galmudug waxay fursad inoo siineysaa dhameystirka dagaalka aan kula jirno khawaarijta, iyo inaan dalka ka xoreeyno”

Ra’iisul Wasaare Khayre: “Dhamaystirka dhismaha Galmudug waxay fursad inoo siineysaa dhameystirka dagaalka aan kula jirno khawaarijta, iyo inaan dalka ka xoreeyno”

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta sheegay in lagama maarmaan tahay midnimada Galmudug, si loo dhameystiro howlgalka khawaarijta looga xoreynayo goobaha ay kaga harsan yihiin Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta salaaddii Jimcaha kula dukaday masjidka jaamacatu raqay boqollaal qof oo reer Dhuusamareeb ah ayaa hadal uu ka jeediyay ku bogaadiyay dadaalka ay culumadu hoggaamineysay ee lagula dagaallamay khawaarijta Al-shabaab, isaga oo ku baaqay in loo midoobo sidii dalka oo idil looga ciribtiri lahaa.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay dhibaatada ay qabyaaladdu leedahay iyo saameynta xun ay bulshada ku reebto. Waxa uu farta ku fiiqay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga dagaallamo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com