Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka: ” Agaasimayaasha Guud Waa Mashiinka Dowladdu Ku Dhaqaaqdo…”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka: ” Agaasimayaasha Guud Waa Mashiinka Dowladdu Ku Dhaqaaqdo…”

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo maanta ka qayb galay shirka agaasimayaasha guud oo maalintiisii sedaxaad galay ayaa sheegay in agaasimayaasha guud ay yihiin keydka, Xasuusta, laf-dhabarta iyo Mashiinka dowladu ay ku dhaqaaqeyso.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo khudbad ka jeediyay shirka oo maanta ay ku soo biireen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowlad gobaleedyada xubnaha ka ahd dowladda federaalka, ayaa agaasimayaasha kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan shirkaan oo ay sameeyaan wadatashi, xog is waydaarsi iyo aqoon is-waydaarsi maadaama ay yihiin waaya arag iyo muraayadii laga daawan halaa nidaamka iyo kala dameynta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku celiyay in lagama maarmaan ay tahay in agaasimayaasha guud oo bud-dhigg u ah hagaha nidaamka dowladnimo ee casriga ah, ay iska kaashadaan ka faa’iideysiga fursadaha dowladnimo ee jira iyo sida xal looga gaari karo horumarinta qarankana.

Shirka agaasimayaasha guud oo lagu soo bandhigayo waxqabadka dowaldda ayaa Muqdisho ka furmay October 22, 2019 waxaana qorshuhu yahy in lasoo xiro October 26, 2019

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com