Ra’iisul Wasaare ku xigeenka & James Swan oo kawada hadlay Arrimaha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka & James Swan oo kawada hadlay Arrimaha doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khadar) ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa uu kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimaha hortabinta u leh dalka oo ay ka mid yihiin arrimaha Doorashooyinka dalka ee uu muranka ka taagan yahay iyo Arrimaha kale.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan oo bilaabay in uu si kala gooni gooni ah ula kulmo saamileyda siyaasadeed ee dalka si uu ugala hadlay arrimaha khilaafka doorashooyinka.

Horay waxaa uu kulamo ula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno kale, isaga oo kala hadlay xalinta khilaafka doorashada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa dhowr jeer waxaa uu ugu baaqay saamileyda siyaasadeed ee dalka inay xal ka gaaraan Arrimaha doorashooyinka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com