Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay Aaska Saraakiishii shalay ku geeriyooday Qaraxii ismidaaminta ahaa

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay Aaska Saraakiishii shalay ku geeriyooday Qaraxii ismidaaminta ahaa

.Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay aas qaran oo loogu sameeyey Gaalkacyo saraakiishii qaranka ee ku shahiiday falkii argagixisadu shalay ka geysteen magaalada Gaalkacyo.

Salaadda Janaasada ayaa waxaa marxuumiinta wadajir ugu tukaday Ra’iisul Wasaaraha , Madaxda Galmudug, Wasiirro ka tirsan dowladda federaalka, Puntland, Galmudug, Xildhibaanno heer federal, heer gobol iyo saraakiisha Ciidamadda. Waxayna Allah uga baryeen inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo guud ahaan dadkii ku dhintay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa tilmaamay in cadowga ummadda Soomaaliyeed aan looga hari doonin beegsiga haldoorka bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F.S ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo. Isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marna ilaawi doonin halyeeyadii qaranka ka shahiiday.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com