Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacstada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya .
Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa ganacstada waxa ay uga xog warameen Ra’iisul Wasaaraha ganacasiga Soomaalidu ay ku leeyihiin Kenya , horumarka ay sameyeen iyo caqabadaha heysta xilligan. Ganacstada ayaa u soo jeedinayaan talooyin ay u arkaan in lagu hagaajin karo xoojinta xiriirka labada dal .
Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay ganacsatada ayaa sheegay in madaxda qaranka ay ka wada go’an in ay dalka ka dhacaan doorashooyin, duruufihii jirayna ay keeneen dib u dhaca ku yimid waqtigii doorashada, balse xiligan ay si habsami leh u socdaan.
Mudane Rooble ayaa xusay in booqashadiisa
Kenya ay daarran tahay hagaajinta xiriirka labada dal ee dariska ah. Isl markaana aysan Kenya u imaan arrimo la xiriira badda.
COMMENTS