Ra,iisul Wasaare Rooble oo sheegay xiliga uu qabsoomi doono shirka golaha wadatashiga qaran?

Ra,iisul Wasaare Rooble oo sheegay xiliga uu qabsoomi doono shirka  golaha wadatashiga qaran?

Ra,iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay la socoto daahfur la’aanta doorashada, islamarkaana dhawaan ay qaban doonaan Shirweyne looga hadlaayo boobka doorashada.

Waxaa uu sheegay in xukuumaddiisa ay qorsheysay maalmaha soo socdo Shir looga hadlaayo muranka doorashada, islamarkaana ay yeelan doonaan golaha wadatashiga qaran.

Waxaa uu sheegay in uu Cadaadis badan xafiiska ka heysto maamul goboleedyada, Xafiiska Farmaajo iyo Midowga Musharaxiinta.

Waxaa uu tilmaamay Rooble in xukuumaddiisa ay ka go’aan tahay in la xaliyo cabashada ka timid doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kuraas badan oo ka mid ah la boobay.

“Dadka waxay is weydiinayaan Ra’iisul Wasaaruhu muxuu la aamusan yahay waayadan, waddamada uu tagay miyaa dhabarka ka soo taabtay, wax kale lama aamusni, dherigii saddexda dhinac u dhaxeeyay ayaan ahay, haddii ay tahay Maamul Goboleedyada, Musharaxiinta iyo Madaxweynaha” ayuu yiri Rooble.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com