Maanta oo uu xilka madaxweynaha Mareykanka la wareegay Donald J. Trump ayaa Xildhibaanka Dawladda Federaalka Cabdullaahi Xaashi Abiib ee matala gobolka Awdal iyo Degmada Gabiley waxa uu warqad u qoray Kongareeska Mareykanka, ugana baaqay in ay saldhig milatari ka samaystaan magaalo xeebeedka Saylac. Saylac ayaa hore waxaa u damaacay dawladda Itoobiya, sheegtayna in ay saldhig ciidamadda badda ee Itoobiya halkaas ka samaysan doonto. Madaxweyne Xasan Shiikh oo uu caddaadinayo Madaxweyne Erdoganka Turkiga ayaa oggolaaday in Itoobiya ay badda Soomaaliya meeshay rabto ka degi karto; laakiin se weli ma jiro heshiis Barlamaanka Soomaaliya la horkeenay oo badda Soomaaliya u oggolaanaya Itoobiya.
— MP Dr Abdillahi Hashi Abib (@MPDrAbib) January 20, 2025
Xildhibaan Abiib oo arrinkaas dabajooga ayaa warqaddiisa ku yiri, “Aniga oo matalaya Gobolka Awdal, taageero buuxdana ka haysta hoggaamiyayaasha bulshada deegaanka, waxaan diyaar u ahay inaan Golaha Shacabka horgeeyo mooshin rasmi ah oo ku saabsan heshiiskan istiraatijiga ah. Waxaan iminka ku suganahay Washington, D.C., si aan u horumariyo hindisahan. Waxaan rajeynayaa in Guddiga CCP iyo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Afrika ay si wanaagsan u eegaan soo jeedintan oo ay nala shaqeeyaan.”
Xildhibaanka ayaa talo soojeedinta ku tilmaamay mid looga hortagayo saameynta Shiinuha ku yeeshay Geeska Afrika oo hadda ah mid sii xoogeysaneysa.
— MP Dr Abdillahi Hashi Abib (@MPDrAbib) January 20, 2025
Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in “Saylac ay ku taal meel istiraatiiji ah oo u dhow Bab-el-Mandeb, oo ah marin muhiim ah oo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, sidoo kalena la mariyo 10% ganacsiga caalamiga ah sannadkii. Halkaan saldhig Maraykan ah wuxuu awood siin lahaa Maraykanka inuu ilaaliyo ammaanka marin-biyoodkan muhiimka ah, isagoo yareynaya awoodda Shiinaha ee uu ku xukumo waddooyinka ganacsiga.”
Daljir Media
COMMENTS