Roobabka oo burburiyey in ka badan 80 beerood oo muhiim u ahaa suuqyada Garoowe (Dhegeyso)

Garoowe, November 14, 2013? – Khasaaraha ?ka dhashay roobabkii ka da?ay Puntland kuma koobna oo keliya dad dhintay iyo xoolo la waayey, balse waxaa soo baxaya khasaare kale oo saamayn ku yeelanaya dadka magaalooyinka degan.

Wararkii ugu dambeeyey ee ay heshay radio daljir, waxaa ay sheegayaan in ay bur bureen inta badan beerihii gobolka Nugaal ee muhiimka ?u ahaa nolosha asaasiga ah ee magaalooyinka weliba caasimada Puntland ee Garoowe.

Ururka Beeraha gobolka Nugaal ayaa sheegay in ka badan 86 beerood in ay roobabku burburiyeen, sidoo kalena la tageen Matooradii iyo dalagyadii beeraha qaarkood.

Gudoomiye ku xigeenka ururka beeraha gobolka Nugaal Xasan yuusuf Kaarshe, ayaa daljir u sheegay in dhamaan beeraha roobabku la tageen ay muhiim u ahaayeen caasimada, isla markaasna qudaarta ugu badan ee magaalada laga isticmaalo laga keenay jiray beeraha.

Lama oga khasaare dhimasho oo soo gaaray beeralayda, sida uu sheegay Kaarshe.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ay roobabku ku reebeen deeganada Puntalnd, iyadoo ay haatan socdaan gurmadyo kala duwan oo loo fidinayo dadka waxyeeladu soo gaartay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Gudoomiye Xasan Kaarshe oo u waramaya Xaliimo sacdiyo Cabdulaahi oo daljir ka tirsan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com