Rooble oo booqday xarunta Safaarada Soomaaliya ee magaalada Qaahira

Rooble oo booqday xarunta Safaarada Soomaaliya ee magaalada Qaahira

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isagoo safiirka iyo howl wadeennada safaaradda ku dhiirigelyay xoojinta howsha ay qaranka u hayaan.

Intii uu ku sugnaa Ra’iisul Wasaare Rooble safaarada ayaa waxa uu xarigg ka jaray qeybo ka mid ah dhismaha safaaradda oo dib u dhis lagu sameeyay.

Wafdiga uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxa ay kulamo kala duwan ay la yeesheen mas’uuliyiin ka socota xukuumada Qaahira waxaana lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweyne Cabdifatah Al Sisi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com