Rooble & Qoorqoor oo Dhuusamareeb kula kulmay Guddiyada Doorashada

Rooble & Qoorqoor oo Dhuusamareeb kula kulmay Guddiyada Doorashada

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa kulan la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray bilaabista doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS ee lagu dooranayo Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad celiyay Gudsiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed sida ay u dardar gelinayaan howlaha doorashooyinka.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in Galmudug qorsheyneyso in maalmaha soo socda Magaalada Dhuusamareeb ka bilaawdo qabashada doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com