Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa qarka u saaran in uu dhadhamiyo siyaasadda Mareykanka ee hore uu Henry Kissinger uga faalooday, taas oo ahayd, “Waa khatar cadiim ah in aad cadow ku noqoto Mareykanka, laakiin in aad noqoto saaxiib dhow oo Ameerika baaba ka sii daran oo dhimashay qarka kuu saari karta (It may be dangerous to be America’s enemy, but to be America’s friend is fatal).”
William Ruto oo Madaxweyne Biden kahor intaan xilka laga tuurin uu ka ballanqaaday in Kenya ay tahay saaxiib dhow oo NATO, oo haddana laguna casumay kulamadii G7, ayaa maanta dhadhaminaya soodhaweyn ka duwan tii hore ee Biden, qarkana u saaran in saaxiibtinimadii Biden la dunto NATO-da sii dumeysa.
Ruto oo falaanqeeyayaasha siyaasadda Afrika ku qiimeeyeen “ninkii Mareykanka u joogay Afrika” ayaa waayahaan ku hawlanaa sidii falaagada RSF ee Sudan ay dawlad docfaruur ah Kenya uga yagleeli lahayd. Laakiin Mareykanka waxaa ka dhashay dawlad gabaaragambisay siyaasaddii hore ee Mareykanka ee gumeysiga iyo kalafurfurka Afrika, waxaana ay shalay soo saartay war murtiyeed nuxurkiisu yahay “Sudan waa dawlad caalamku aqoonsanyahay, mana yeelayno dawladda docfaruurka ah ee Nairobi lagu dhisayo.”
Ruto waa baa ku baryey, oo dhanna fallaagada RSF waa laga soo jafayaa Sudan, dhanna ninkii uu Afrika ku mataleyey baa u sheegay “jooji waxa aad waddo.”
> Daljir Media
COMMENTS