“Ruto waa taliyaha dhabta ah ee fallaagada RSF,” sidaas waxaa yiri Gachagua, madaxweyne kuxigeenkii hore ee Kenya

“Ruto waa taliyaha dhabta ah ee fallaagada RSF,” sidaas waxaa yiri Gachagua, madaxweyne kuxigeenkii hore ee Kenya

Xiriirka ka Dhexeeya Ruto iyo Fallaagada RSF oo Daaha laga Rogay: “Ruto waa taliyaha dhabta ah ee fallaagada RSF,” sidaas waxaa yiri Gachagua, madaxweyne kuxigeenkii hore ee Kenya

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Kenya Rigathi Gachagua oo colaad siyaasadeed oo darani ka dhexayso Madaxweyne Ruto ayaa sharraxay xiriirka Hemedti iyo Ruto, kuna tilmaamay fal dambiyeed mudan in lagu maxkamadeeyo Ruto.

Ruto ayaa dhawaan u oggolaaday fallaagada RSF ee xasuuqa ba’an ka gaysatay Sudan in ay dawlad docfaruur ku ah dawladda Sudan ka furato Nairobi. RSF ayaa maalgalin iyo taageero milateriba ka hesha Imaaraadka Carabta. Heshiiska Ruto iyo RSF kabacdi Imaaraadka ayaa deyn dhan $1.5 bilyan u fidisay Kenya.

Haddaba Gachagua muxuu ku macneeyey xiriirka ka dhexeeya Ruto iyo RSF? Gachagua ayaa ku tilmaamay Madaxweyne William Ruto “taliyaha dhabta ah” ee fallaagada RSF, kuna sababeeyey heshiisyo ganacsi oo qoto dheer oo ka dhexeeya asaga iyo hoggaamiyaha fallaagada Maxamed Xamdaan Dagalo oo loo yaqaan Xemedti.

Gachagua waxa uu Ruto ku eedaynaa in uu dhaqo lacagta uu Xemedti ka sameeyo dahabka Sudan ee adduunka laga mamnuucay.

“Taliyaha dhabta ah ee RSF ma aha Xemedti, waa William Ruto. Lacagta ka soo baxda dahabka waxaa lagu nadiifinayaa Kenya si loogu iibsado hub,” Gachagua ayaa sidaas u sheegay talafishinka KTN wareysi uu siiyey habeenkii Isniinta.

Gachagua ayaa ka sheekeeyey imaatin uu hore dalka u yimid Xemedti kaas oo uu qabanqaabadiisa lahaa Ruto, laakiin loo ekeysiiyey mid Gachagua iyo Xafiiska Madaxweyne Kuxigeenka u gaar ah. Gachagua ayaa talafishinka u sheegay in markii uu ogaaday xiriirka ka dhexeeya Ruto iyo Xemedti uu ka biyo diiday in uu xiriir la wado nin dilay dad ka badan 150,000 oo barakiciyey dad kor u dhaafaya 11 milyan. “Waxaan ahay nin Kirishtaan ah oo aabbe ah, marka nin noocaas ah xiriir lama yeelan karo,” ayaan Ruto u sheegay buu Gachagua yiri. Waana halkaas meesha khilaafkayugu ka biloowday, ayuu ku sii daray.

Gachagua ayaa sheegay in uu soo bandhigi doona caddaymaha fal danbiyada uu Ruto gacmaha kula jiro iyo xiriirka foosha xun ee uu la leeyahay Xemedti iyo fallaagada RSF.

Fallaagada RSF ayaa dhawaan laga nadiifiyey magaalada Khartuum, waxayna weli haystaan badi gobolka Darfur.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com