Ruushka oo ku baaqay in la taageero ciidamada Soomaaliya

Ruushka oo ku baaqay in la taageero ciidamada Soomaaliya

Dowladda Ruushka ayaa ugu baaqday Beesha Caalamka inay taageerto dhismaha  ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM.

Wasiirka arimaha dibadda ee Ruushka Sergio Lavrov oo waraysi siinayay wargayska The Reporter ee dalka Itoobiya ayaa sheegay AMISOM inay sii wadi doonaan taageeridda Soomaaliya iyo gacan ku haynta meelaha muhiimka ee dowladda la dagaalanka AL-shabaab oo uu sheegay in gobolka oo dhan ay khatar ku yihiin.

Waxaa uu xusay dambiyada burcadeednimo, argagaxiso ee Soomaaliya ka jira mid caalamka khatar ku haya, loona baahanyahay ciidamo awood leh oo dalka amaankiisa suga.

Ruushka ayaa siyaasad ahaan aad isaga soo horjeedaan dowladaha reer galbeedka oo hadda taageerada ugu badan ee qalab dagaal iyo maaliyadeed siiya dowladda faderaalka Soomaaliya iyo AMISOM.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com