Raysal wasaare Xasan Cali Khayre oo wafdigiisa ay ka mid ahaayeen xubno wasiiro ah ayaa dib ugu soo laabtay maanta magaalada Muqdisho, waxaana dalka Norway ay uga qaybgaleen shir looga hadlayay arimaha dhaqaalaha iyo ammaanka oo uu soo qabanqaabiyay Oslo Forum.
Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa warbaahinta ugu sheegay gudaha garoonka diyaaradaha inuu socdaalkooda uu guul kusoo dhamaaday.
Khayre oo sidoo kale dalka Norway kula kulmay jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo dowladda Norway ayaa u sheegay dalka Soomaaliya inuu ka jiro horumar baaxad wayn oo ay ka sameyeen siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha.
COMMENTS