Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Sanadkii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya hadafka ugu weyn ee horyaallay uu yahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Kheyre in marwalba ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan xaquuqda Ciidamada si ay ugu guuleystaan sugida Amniga dalka dalka Guud ahaan.
“Waxaan diyaar u nahay in nafteena aan u bixino sida ay naftooda u huray ciidamada qarankooda difaacaya,waxaan diyaar u nahay in aan bixino xaquuqdooda,ciidamadii dalkaan gumeysiga ka xorreeyey maleheyn tababarka ciidankeena ay hadda leeyihiin sidaasina ay muhiim tahay in ay dalka xoreeyeen ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
COMMENTS