Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska ay u soo magacowday Soomaaliya Danjire Ben Fender.
Mudane Xasan Cali Khayre iyo danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada Dal.
Danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u soo magacowday Soomaaliya Ben Fender ayaa badalay Danjire Danjire David Concar, kaasi oo Muddo Xileedkiisa uu dhammaaday.
COMMENTS