RW Rooble oo Dhuusamareeb gaaray

RW Rooble oo Dhuusamareeb gaaray

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdigan oo ka yimid dhinaca Magalada Garoowe ayaa waxaa Garoonka diyaarahada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) Maamulka degmada & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmihii uu ku sugnaa Garoowe waxaa uu kulamo aan wax natiijo ah kasoo bixin la qaatay Madaxweynaha Puntland, kadib markii RW Rooble ka dalbaday Puntland inay soo Magacaabaan Guddiga Doorashada ee heer dowlad-goboleed, balse Madaxweyne Deni ayaa ku adkaystay in marka hore laga hadlo arrinta gobolka Gedo iyo Doorashada Xildhibaannada Somaliland ee DFS, waxaana taasi ay keentay in maanta uu isaga soot ago Magaalada Garoowe.

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Galmudug kala hadli doono arrimaha doorashooyinka dalka ee la filayo inay dhacaan bilawga sanadka cusub ee 2021 iyo muranka ka dhashay guddiyada doorashooyinka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com