RW Rooble oo xilka ka qaaday Wasiirki Amniga

RW Rooble oo xilka ka qaaday Wasiirki Amniga

Ra;iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa xilki ka qaaday Wasiirkii Amniga Xundubey,waxaana wasiirka uu amniga uu u magacaabay Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Hoos ka akhriso Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra;iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com