RW Xamse oo dhaliil xoogan u jeediyeey Puntland

RW Xamse oo dhaliil xoogan u jeediyeey Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa hadal uu xalay ka jeediyay Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ku dhaliilay Dowladda Puntland, in aysan door muuqda ka ciyaareyn hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay degaannada Puntland ka Shaqaaleeysiiso 400 oo Macalin balse arrimosiyaasadeed ay u hortaagan yihiin Maamulka Puntland, taasina aysan aheyn wax macquul ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay in deyn-cafiska Soomaaliya ee Bulshada Caalamka ay halis ku jirto haddii aysan Puntland arrintan kala shaqeyn Dowladda Soomaaliya.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh uu Puntland hoggaankeeda ka dalbaday inay dhageystaan tabashada dadka ee la xiriirta arrimaha doorashooyinka inta aysan dhibaato ka dhalan hadalkaas oo Madaxda sare ee Puntland ay ka caroodeen lana filayo in uu ka jawaabo Madaxweyne Deni.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com