RW Xamse oo dowladda Norway kala hadlay taageerada ay siiso Soomaaliya

RW Xamse oo dowladda Norway kala hadlay taageerada ay siiso Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wasiir Anne Beathe Tvinnereim ayaa looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood iyo iskaashiga labada waddan, gaar ahaan taageerada Norway ee isku filnaanshaha xagga cunnada, isbedelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo xasilinta dalka.

Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee dowladda Norway Anne Beathe Tvinnereim ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celisay qaabilaadda, iyada oo intaa sheegtay in dowladda Norway ay ka go’antahay joogteynta taageerada ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Norway uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa inta badan la kulma Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, iyaga oo ballan qaada inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya balse inta badan aan waxba ka fulin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com