RW Xamse oo guddoomiyeey shir ka dhacay Baydhabo

RW Xamse oo guddoomiyeey shir ka dhacay Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya,Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shirka Wasiirrada Golaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray wada shaqaynta iyo xoojinta adeeggyada muhiimka ah ee la gaarsiinayo bulshada deegaannada Koonfur Galbeed, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah AS.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen), oo kulanka ka hadlay ayaa soo bandhigay warbixin la xiriirtaa xaaladaha bulsho iyo nololeed ee ka jira deegaanka, gaar ahaan dhinacyada amniga,siyaasadda, dhaqaalaha iyo dagaalka AS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha ku adkeeyey muhiimada ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur-Galbeed, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha horumarinta iyo xoreynta, isaga oo soo bandhigay sida ay dowladda uga go’an tahay in la dhammaystiro howlgallada socda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com