RW Xamse oo khudbad ka jeedinaya kulanka Guud ee QM

RW Xamse oo khudbad ka jeedinaya kulanka Guud ee QM

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Khudbad ka jeedinaya kulanka Guud ee Qaramadaa Midoobay oo ka socda Magaalada Newyorka ee Xarunta Qaramada Midoobay .

Ra’iisal Wasaaraha ayaa kaga hadli doona khudbadiisa qodobo ay ka mid yihiin dadaalada Dawlada Soomaaliya .

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay madax sarsare oo ay ka mid yihiin, Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Wasiirka arrimaha debedda ee Imaaraadka Carabta iyo madax kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay madaxweyne Joe Biden sidii dowladda Mareykanku ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu Alshabaab, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

Sidoo kale ‘ Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF, Mahmoud Mohieldin.

Kulanka ayaa looga hadlay dadaalka dowladda ay ku waddo dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo u diyaargarowga barnaamijka deyn cafinta kadib.

Agaasimaha IMF-ta ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka ay kula dagaallamayso musuqmaasuqa iyo horumarka laga sameeyay barnamijka deyn cafinta oo maraya heer gabagabo ah.

Ugu dambeeyntiina ‘ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com