RW Xamse oo Maamulada Galmudug iyo Jubbaland kala hadlay kordhinta la dagaalanka Al-Shabaab

RW Xamse oo Maamulada Galmudug iyo Jubbaland kala hadlay kordhinta la dagaalanka Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoygiisa waxa uu kula yeeshay kulan casho ah Madaxweyne ku-xigeennada Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Cali Daahir Ciid iyo Maxamuud Sayid Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ka dhageystay labada Madaxweyne ku-xigeen warbixinno la xiriira xaaladda deegaannada dowlad gobolleedyada Galmudug iyo Jubbaland.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay in ay xoojiyaan dagaalka kooxda Al-Shabaab, kuna dadaalaan sidii looga sifeyn lahaa meelaha ay kaga harsan yihiin deegaannada Galmudug iyo Jubbaland.

Dhankooda Madaxweyne ku-xigeennada Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Cali Daahir Ciid iyo Maxamuud Sayid Aadan ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Xamse soo dhaweynta uu u sameeyay iyo wadashaqeynta kala dhaxeeysa Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeennada Dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab iyo arrimo kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com