RW Xamse oo Madaxweynaha dowlad degaanka kala hadlay iskaashiga la dagaalanka Al-Shabaab

RW Xamse oo Madaxweynaha dowlad degaanka kala hadlay iskaashiga la dagaalanka Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida,Mustafa Maxamuud Cumar, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanka ee Magaalaa Jigjiga.

Madaxweyne Mustafa ayaa warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xaaladda deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Deegaanku ka hirgelisay gobollada mudadii afarta sano ee ay xilka hayeen.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, waxaana uu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xilligan in iskaashi dhaw iyo wadashaqeyn buuxda laga sameeyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Kulanka kadib Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxay soo booqdeen xarumo kala duwan oo ay ka hawlgalaan hey’adaha Dowlad Deegaanka iyo xarun weyn oo loo dhisayo Baarlamaanka Dowlad Deegaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com