RW Xamse oo markii ugu horreeysay ka hadlay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab

RW Xamse oo markii ugu horreeysay ka hadlay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay markii ugu horreeysay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen meelo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay in Ciidamada liyuu Boolos ay muddo kooban kusoo afjareen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay qaar kamid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegay in guusha Ciidamada liyuu Boolos ay horseedeen taageero ay ka heleen Shacabka gaar ahaan Haweenka kasoo gurmaday Magaalada Jigjiga oo Ciidamada la daba taagnaa Biyo iyo Cunto iyo waxkasta oo ay u baahan yihiin.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Haweenka Soomaaliyeed ay dowladda garab istaag u muujin doonto ayna kamid noqon doonaan Golaha Wasiirada, hayeeshee dhankooda looga bahaan yahay inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hadalkan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay kaa aamusneyd weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen meelo kamid ah dhulka dowlad degaanka Soomaalida.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com