RW Xamse: “Waxaa la joogaa waqtigii la midoobi Lahaa si loogu Horumariyo Maalgashiga Dalka”

RW Xamse: “Waxaa la joogaa waqtigii la midoobi Lahaa si loogu Horumariyo Maalgashiga Dalka”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ku dhawaaqay in hadda la joogo xilligii hay’adaha madaxa-bannaan, ganacsatada, iyo dowladda dhexe ay wadajir u qaadi lahaayeen dadaallada lagu horumarinayo maalgashiga dalka.

Isagoo ka hadlayay Madasha Magan oo qabatay dood cilmiyeed ku saabsan doorka ganacsatada iyo dowladda ee maalgashiga, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in kartida iyo dhaqaalaha ay haystaan ganacsatada Soomaaliyeed aan la iska indho tiri karin, loona baahan yahay in dowladda ay garab taagnaato, si loo gaaro isku filnaan dhaqaale oo xal u noqon karta mashaakilka jira.

Mudane Xamsa waxa uu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la dhiso kalsooni iyo wada shaqeyn dhab ah oo u dhaxeysa ganacsatada iyo dowladda, taasoo gundhig u noqon karta horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com