Taleex, Dec 31 ? Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo Dr. Cali Khaliif Galaydh oo horay mar u ahaan jiray raysal-wasaarihii Soomaaliya xilligii dawladii Carta ayaa maalintii shalay ahayd si diiran loogu soo dhaweeyay degmada Taleex, waxaana ay kulamo gaar gaar ah la qaateen waxgaradka deegaanka iyo sidoo kale guddiga qaban-qaabada shirka khaatumo 2.
Afhayeenka guddiga qaban-qaabada shirka khaatumo 2 C/fitaax Cismaan ?Dhalac? oo u warramay radio Daljir ayaa shaaca ka qaaday in 2 maal-mood kaddib uu si toos ah u furmi doono shirka looga arrinsanayo aayaha gobollada SSC, waxaana uu intaasi ku daray inay soo dhamaystirmeen dhammaan ergooyinkii la sugaayay ee shirka lagu casumay.
Md. Dhalac, ayaa shaaca ka qaaday in ajandayaasha looga hadli doono shirkaasi iyo go?aamada kasoo baxa looga danbayn doono siyaasiyiinta beesha, isla markaana Isimada dhaqanku ay yeelan doonaan ducada iyo ka warhaynta go?aamadaasi.
Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.
FAALLOOYIN & FALCELIN