Inta la xaqiijiyey saddex carruur ah ayaa magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ee Puntland ugu geeriyootey xanuunka Shuban-biyoodka saacadihii ugu dambeeyey.
Carruurtaan oo isku qoys ah ayaa labo kamid ah ay geeriyoodeen saaka halka kan kalena uu ka sii horeeyey, sida uu kusoo waramayo weriyeheena ku sugan magaalada Dhahar.
Waxaa jira bukaano la ildaran xanuunkaasi oo jiifa xarumaha caafimaadka iyadoona saraakiisha caafimaadku ay sheegeen inay ka cabsi qabaan in dhimashadu sii kororto haddii ay sii bataan dadka xanuunku soo ridanayo.
GOOR DHOW WARBIXIN LA SOCO
COMMENTS
Allaha dadkii dhaley caruurta 3 daa samir iyo iimaan kasiiyo waana cudur hada bulsha da aad ugu jirah daljir adinka aad ayaad umahadastihin waxyi galinta aaad bulshada uheysaan markasta
3 caruurta ah ha u naxaristo