Safiirka cusub ee shalay waraaqihiisa Madaxweyne Xasan Shiikh aqbalay muxuu ka yiri jiritaanka iyo qaranimada Soomaaliya?

Safiirka cusub ee Itoobiya magaciisu waa Suleiman Dedefo, waxa uuna ka soojeeda qowmiyadda Oromada. Suleiman wuxuu aaminsanyahay oo uusan innaba la gaban in dalka Soomaaliya uusan u sii jirin sida uu hadda yahay oo Somaliland loo oggolaado in ay noqoto dal gooni ah. Intaas kaliya ma aha e waxa uu Suleiman si joogto ah bartiisa X uga aflagaadeyn jiray Soomaaliya, Soomaalida iyo madaxda Soomaalida (arag sawirka hoose).

Sida ku cad ‘1961 Geneva Convention’ dawlad kastaa waxay xaq u leedahay in ay diido safiir dawlad kale soo magacaabato, xataa ayada oo aan sheegin sababta ay u diiday safiirka. Haddaba safiir si joogto ah oo aan gabbasho lahayn uga dagaalamaya qaranimada iyo jiritaanka Soomaaliya ma sax baa in Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud uu ka aqbalo waraaqaha aqoonsiga?

Nala qaybso fiiradaada iyo falcelikaagaba.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com