Safiirka Shiinaha ee Soomaliya oo ka warbixiyey xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Shiinaha

Safiirka Shiinaha ee Soomaliya oo ka warbixiyey xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Shiinaha

Safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjie Qin Jian ayaa sheegay in ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay bed-qabaan, mas’uuliyad weyna ay iska saartay dawladiisa guud ahaan ajnabiga oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliyeed.

Safiirka ayaa uga baaqay waalidiinta Soomaaliyeed in aysan ka wel-welin xaaladda carruurtooda, waxana uu xusay in ay siiyaan wacyigelin, agab iyo daryeel joogta oo ay la mid yihiin muwadiniintooda oo kale.

“Dawladda Shiinaha mas’uuliyad weyn bay iska saartay bed-qabka, caafimaadka dadka ajnabiga ah ee ku nool Dalka Shiinaha oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliyeed, Wax dhib ah ma qabaan, waxan siinay wacyi-gelin ku saabsan cudurka Corona-virus iyo qalabka looga hortagi karo, Waalidiinta waa in aysan ka wel-welin”, Safirka Shiinaha, Qin Jian ayaa ka sheegay shir jara’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa intaa ku daray in uu jiro hoos u dhac ku yimid dadka hor leh ee uu cudurka haleeli jiray marka loo eego, dalalka kale ee hadda uu ka jiro cudurkaasi.

In ka badan 90,000 qof ayuu asiibay cudurka Corona-Virus guud ahaan caalamka, waxana hadda u daran Shiinaha, Koonfur Kuuriya, Japan, Iiran iyo Talyaaniga, waxaana sii kordhaya cabsida laga qabo cudurkan in uu ku faafo dunida oo dhan ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com