Saraakiil dhanka ciidamada oo katirsanaa guutada sadexaad ee ciidamada Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano ka mid ah gobolka Sanaag.
Saraakiisha ayaa waxaa ka mid ahaa Col. Caare oo dhowaan soo gaaray magaalada Qardho iyo Jamaal Baaxad oo ahaa abaanduuliyihii guutada sadexaad ee Somaliland, waxaana saraakiishan horay ay taageero uga heleen qaar ka mid ah qabaa’ilka Puntland.
Saraakiishan ayaa sheegay jamhadooda inay tahay mid lagu xoraynayo, sida ay hadalka u dhigeen maamulka Somaliland, waxaana ay kusoo beegmaysaa iyadoo ay jiraan xiisado u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland oo ku salaysan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
COMMENTS