Saraakiil loo xiray weerarkii Muqdisho

Saraakiil loo xiray weerarkii Muqdisho

Weerarkii kadhacay magaalada Muqdisho maalinimadii Sabtidii ayaa waxa loo xiray 15-sarkaal oo sare, sida laga helayo hay’adaha ammaanka ee dowladda.

Saraakiishan ayaa isugu jira boolis iyo nabad sugid, waxaana ay taliyeyaal ka ahaayeen baraha kantorool ee Maka Al-Mukarama ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya kulan guddiga amniga ay yeesheen maalinimadii shalay ayaa lagu go’aamiyay in lasoo xiro saraakiisha oo wax laga waydiiyo weerarka qaraxa ee Al-shabaab ay ku qaadeen wasaaradaha ammaanka iyo gudaha ee xukuumadda.

Weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday 15-qof.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com