Saraakisha Ciidamadda Dowladda oo sheegay inay dileen saraakil Alshabaab ka tirsan

Saraakisha Ciidamadda Dowladda oo sheegay inay dileen saraakil Alshabaab ka tirsan

Ciidanka Gaarka ah ee Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku sugnaayeen Xubno Xubno tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa laga sameeyey deegaanada Galhareeri, Cumar Beere, Maguurto Baalgure iyo Bullow oo kawada tirsan Gobollka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha Danab ee howlgalka hoggaamineysa ayaa Warbaahinta Dowladda waxaa ay u sheegeen in howlgalka lagu qabtay laba Sarkaal oo Al-Shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Siidow Mayow Xaaji iyo Isxaaq.

Ciidamada Kumaandooska DANAB ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com